32 sanad kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya in dagaal sokeeye ka dhaco Waqooyiga Soomaaliya xilli koonfurta ay ku sugan yihiin ciidammo nabad ilaalin ah oo ka socda Afrika waxay muujinaysaa in rajada laga qabo in la helo dowlad Soomaaliyeed oo xaqa muwaadinka dhowraysa ay sii yaraanayso. Ficii dagaalka sokeeye goobjoogga u ahaa oo talada siyaasadda wax ku lahaa waxaa maanta ka haray Muuse Biiix, Saleebaan Gaal, Maxamed Kaahin, Dr Gaboose. Maskaxdoodu waxay joogtaa xilligii burburka. Inkastoo ay ka tirsanaayeen ururkii SNM waxay sitaan fekerkii kelitaliska oo khilaafaadka siyaasadeed u fasiran jiray dhibaatooyin amni oo u baahan in wax laga qabto, tusaale in dadka dulmiga ka dhiidhinaya lagu tilmaamo argagixiso ama nabaddiid. Dr Gaboose wuxuu si cad u taageeray duqeynta Laascaanood.
Xildhibaan Cabdiraxman Yuusuf Cartan (Lenin) ayaa 2007 Nofeemabar maqaal ku qoray shebekaddii Somaliland.org, aadna ugu dhaliilay maamulka Somaliland in ciidammadiisu qabsadaan Laascaanood. In wax dadku isku raacsanayn aysan sharciyad yeelanayn buu ku dooday. Wuu ogaa in Axmed Cabdi Xaabsade, oo 2002 sigay Madaxwyne Daahir Riyaale mar uu booqanayay Laascaanood, uu ka dambeeyay in ciidammada Somaliland soo galaan Laascaanoood Oktoobar 2007. Xaabsade 2014 ayuu dib ugu soo baxsaday Puntland. Ciidankii Yagoori joogay oo uu Mahad Cabmaashe hoggaaminyay ayay Somaliland ku tiirsanaatay. Yaasiin Faratoon ayaa ciidanka Somalialand keenay Yagoori 2003 isagoo sheeganayay in Yagoori uu ka taliyo. Marki lala hadlay oo loo sheegay inaysan ahayn inuu ciidan keeno Yagoori, jawaabtiisu waxay ahayd: “Laascaanood ha burburto”. Faratoon wuu gaaray hadafkiisii inuu burburiyo magaalada uu ku dhashay sheegan jirayna inuu xildhibaan u ahaa.
Dagaalka Laascaanood wuxuu meesha ka saaray eeddii hore in reer Laascaanood dhibbane yihiin. In eedda ay leeyihiin oo kuwo iyaga ku abtirsada ay ciidan keeneen oo la iska qaban waayay way qaateen. Dhibtaada waxaa waday horgale; ku dhowaad 128 horgale ayaa nafta ku waayay u shaqaynta maamulka Somaliland.
Somaliland waxaa difaaci jiray Mahad Cambaashe iyo caaglayaaashiisii oo magaalada kala sii wareegay kooxdii Xaabsade billowgii 2008 waayo Xaabsade 2007 ayuu dib ugu soo noqday Hargeysa oo, sida Faratoon, ma lahayn caaglayaal ay Somaliland u masruufto. Somaliland waxay dooratay in caaglayaasha Cambaashe uun ay talada siyaasadda yeeshaan waayo la’aantood Somaaliland ma sii joogi karin Laascaanood. Mahad Cambaashe ayaa xiri jiray dadka oo Hargeysa u gudbin jiray. Faratoon wuxuu raalli ka noqday in Laascaanood la duqeeyo oo lagu sheego magaalo ay argagixiso joogto. Markii bishii Janaayo 2023 ciidanka Somaliland laga saaray Laascaanood caaglayaashii Mahad Cambaashe waxay ka cabsadadeen in magaalada lagula dagaallamo waaayo ciidankii ay isku tiirsanaayeen ayaa laga saaray Laascaanood.
Boqor Cismaan Buurmadow ayaa kula taliyay Mahad Cambaashe inuu tolkiis raaco, sidoo kalena u soo jeediyay ciidanka Somaliland inay ka baxaan Laascaanood. Boqor Buurmadow wuu og yahay in Somaliland maamul ahaan marnaba u joogin Laascaanood oo ay ku tiirsanayd caaglayaasha markii dambe lagu qasbay inay shanta galabnimo ku ururaan Galbeedka Laascaanood ka hor inta caaglayaashii intii ka hartay aan hub-ka-dhigis lagu samaynin weerarkii xeradii Guulwadayaasha kaddib.
Baaqa Garaad Jaamac Gaarad Ismaaciil u soo jeediyay beesha Habarjeclo waa mid la mid ah baaqa Boqor Buurbadow iyo taladii Xildhibaan Cabdiraxmaaan Yuusuf Cartan. Intaas waxaa dheer, haddii Muuse Biixi ciidan beeleedkiisa uu ku tilmaamo ciidan qaran waa inuu ogaado inuu soo weerarayo qaran kale oo Soomaaliya la yiraahdo oo uu bannaysanayo dhiigga iyo hantida dad Soomaaliyeed oo aan waxba ka galabsan. Wax weyn oo Soomaalida isu haya oo diinta ay ka mid tahay ayaa meesha ka bixi doona, xilli Somaliland leedahay calan uu Towxiidku ku qoran yahay duniduse noo taqaan inaannu hal dal nahay. Su’aashu waa: haddii Muuse Biixi ciidammadiisu soo weeraraan dhulka beesha Dhulbahanate sow beeshu xaq uma laha inay iska difaacdo xasuuqa ay ciidammada Somaliland geysan karaan haddii gacmaha laga laabto?
I. M. Lewis Mohamud wuxuu buuggiisa A ModernHistory of the Somali ku qoray in 1946 markii qeyb ka mid dadka Hargeysa ay soo jeediyeen in ururkii SYL noqdo ururka metela Soomaalida, qeyb kale ayaa ka soo hor jeesatay. Ma keenin aragti kale oo reer Waqooyiga mideysa siyaasad ahaan inkastoo Biritishku diiddanaa in beelaha heshiiska galay ay muujiyaan xornimo doonis. Mohamid Isse Trunji wuxuu ku qoray buuggiisa Somalia: The Untold History 1941-1969, in dadka diiday SYL in uu nqodo xisbiga metela Soomaalida ay sameeyeen urur la oran jiray Isxaaqiya iyagoo isku tilmaamay dad Carab ah laakiin dadka Daarood ku tilmaamay dad Afrikaan ah. Muu ahayn mabda’ dadka Hargeysa isku raaceen. 1954tii ayuu Biritishku dhulkii Hawd ku wareejiyay Xabashida (oo uu Xayle Salaase imbaradoor u ahaa markaas) waayo reer Waqooyigu ma lahayn ururro siyaasadeed oo Biritishka kula xisaabtami karay jebinta heshiisyadii ilaalinta (protectorate agreements). Ra’iisal Wasaale Maxmed Ibaraahim Cigaal uun baa 1968, isagoo khudbad ka jeedinayay Royal African Society, u sheegay dadka in Biritayn ay hoos heshiisyo sir ah kala saxiixatay Itoobiya siisayna dhul ay heshiisk ku gashay inay ilaaliso.
Maanta haddii Muuse Biixi ku baaqo colaad “furaha joojinta dagaalka gacantayda ayay ku jirtaa” isagoo marka kale sheeganaya qaran, taa 1954 soo gaartay Soomaalida wax ka daran ayaa soo gaari kara waayo hadda dareenka qarannimada ee Soomaalidu aad buu u hoseeyaa, wadaadduna way ka gaabiyeen inay wanaagga faraan sida dadku xarigga Eebbe u qabsadaan oo midoobaan. In yar oo taariikhda dib loo eego wax badan baa laga baran karaa si aan gefefkii hore oo meel xun na wada dhigay aan loogu noqonin.