Saaxiibada beesha caalamka war-saxaafadeed ay soo saareen si adag u cambaareeyay sii hurinta colaadda u dhexaysa Somaliland iyo SSC-khaatumo.
“Saaxiibada beesha caalamka waxay si adag u cambaareynayaan sii hurinta colaadda Laascaanood, oo ay ka mid yihiin wararka sheegaya in dagaalku ku fiday bannaanka magaalada” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.
Beesha Caalamka ayaa ku boorriyay dhammaan dhinacyada in ay ku heshiiyaan xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah islamarkaana la joojiyo abaabulka dagaalyahannada, iyo saadka iyo hubka la siinayo.
“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ku heshiiyaan xabbadjoojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah. Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo abaabulka dagaalyahannada, iyo saadka iyo hubka la siinayo”.
“Waxaan aad uga walaacsanahay warbixinnada sheegaya inay jiraan tiro badan oo maxaabiis ah, waxaana aan filaynaa kuwa ku lugta leh inay u hoggaansamaan sharciga xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada, gaar ahaan ilaalinta rayidka iyo kaabayaasha rayidka” ayuu sii raaciyay war-saxaafadeedka.
Beesha Caalamka ayaa ku celiyay muhiimada ay leedahay in la xaqiijiyo helidda gargaar bini’aadantinimo oo aan la carqaladayn iyo gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan waxaana ay ugu baaqeen dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan hadalada xanafta leh oo xiisadda lagu xalliyo si nabad ah oo wadahadal ah.
PUNTLAND POST