MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa maanta markale u fariisatay dhageysiga dacwad loo heysto mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, kuwaaasi oo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu ku eedeeyay musuq-maasuq, lunsasho hanti dadweyne iyo ku tagri fal awood xafiiseed.
Mas’uuliyiinta Maxkamaddooda maanta bilaabatay ayaa waxaa ay kala yihiin, Agaasimihii Guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Agaasimahii kaga horreeeyay Xafiiska Maxamed Cadde Mukhtaar.
Dooda qareenada iyo xeer ilaalinta ayaa haatan ka socota hoolka Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ay sidoo kale ku sugan yihiin shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Sidoo kale labada eedeysane oo kahor hadlay maxkamadda ayaa markii loo aqriyay eedeymaha loo haysta iska fogeeyay musuqa lagu oogay.
Maalmihii u dambeeyay Maxkamadda Gobolka ayaa watay dhageysiga dacwado la xiriira musuq-maasuq oo loo haysto mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Related