Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay in uu ciidamada Soomaaliya ku wareejiyay laba saldhigo oo millatari, iyadoo ay sii socoto hawsha lagu dhimayo ciidamada ATMIS ee ku sugan dalka.
War-saxaafadeed ka soo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in hawlgalku uu wareejiyey saldhigyada Cadale, iyo Arbacow.
Wareejinta waxaa sameeyey taliyaha ciidamada Burundi ee ATMIS sarreeye guuto Jean Claude Niyiburana oo ku wareejiyey Gaashaanle Sare Saney Cabdulle, oo ah taliye guuto oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
ATMIS waxay sidoo kale sheegtay in la xiray saldhigga Marka Ayuub oo ay horey u joogi jireen ciidamada Midowga Afrika.
ATMIS ayaa sheegtay inay dalka ka bixi doonaan ciidamo dhan 2 kun oo laga soo qaaday saldhigyada la wareejiyey bishan Juun oo ay maanta u dambayso.
Ciidamada ATMIS ayaa la filayaa inay gebi ahaan ka baxaan Soomaaliya dhammaadka 2024-ka.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan muddo lix bilood ah cusboonaysiiyey muddo-xileedka ATMIS.
PUNTLAND POST