Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa xalay mar kale si kulul uga hadlay dagaalka Laascaanood.
Madaxweyne Biixi oo khudbad ka jeediyay munaasabad ku saabsan 26-ka June oo Hargeysa lagu qabtay ayaa sheegay in Somaliland aysan weli wax weerar ah ku qaadin Laascaanood.
” Waxaa dagaal dhacayay maalin qudha Somaliland weerar may qaadin, xabadna kumay horayn, tu lagu soo rido oo ay iska daafacdo mooyaane ” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.
” Shalay weerar madaafiic ah ayay soo qaadeen 2 dii ugu horeeyay ayay dileen. xaq ayuu u leeyahay ciidanku marka lasoo weeraro in uu jawaab culus bixiyo, ma jiro qof qaadanaya aan ku dile hayla hadlin ” ayuu sii raaciyay.
Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli dhawaan isaga iyo taliyihiisa ciidamadu ay ku hanjabeen duullaan ka dhan ah reer SSC islamarkaana labadii maalmood ee u danbaysay dagaallo iyo duqaymo ba’an ku qaadeen Laascaanood.
PUNTLAND POST