Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka horyimid xilka qaadistii uu xalay ku sameeya Madaxweynaha Hirshabeelle.
Gudoomiye Cali Jeyte oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa si cad u diiday xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweyne Cali Guudlaawe.
Cali Jeyte ayaa sheegay in maanta laga bilaabo Gobolka Hiiraan uu ka baxay Maamulka Hirshabeelle waxaana bulshada Gobolkaas ugu baaqay in ay isugu yimaadan Shir deg deg ah oo lagu dhisayo Hiiraan State.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in Gobolka Hiiraan laga mamnuucay cid kasta oo sheeganaysa in ay ka tirsan tahay Hirshabeelle xataa haddii ay joogaan aysan ka dhoofi karin garoomada diyaaradaha.
Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa intaas sii raaciyay In laga mamnuucay Garoomada diyaaradaha Gobolka Hiiraan iyo jidadka soo gala cid kasta oo kasocota Hirshabeelle.
PUNTLAND POST