Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta oo Jimce ah ku wajahan degmada Dangoroyo ee ka tirsan Gobolka Nugaal.
Madaxweyne Deni oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kala duwan ayaa lagu wadaa in uu goor dhaw gaaro degmada Dangoroyo halkaas oo uu shirar kula yeelanayo bulshada degmadaas.
Wararka ayaa sheegaya in halkaas madaxweynaha loogu samaynayo soo dhawayn ay qaban-qaabiyeen mas’uuliyiinta degmada iyo xubno ka tirsan urur siyaasadeedka xukuumadda ee Kaah.
Magaalada Dangoroyo ayaa kamid ah saddexda degmo ee khilaafaadka siyaasadeed uga haray doorashadii qof iyo cod ee Puntland ka qabsoontay dhawaan kuwaas oo aysan weli caddayn xilliga la qabanayo doorashadooda.
PUNTLAND POST