BELGRADE (SMN) – Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Dalka Serbia mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Serbia mudane Dr. Siniša Mali.
Inta kulanku socday waxaa looga hadlay Arrimaha deyn cafin (debt relief), qaabka casriga ah ee canshuur uruurinta(systematic tax collection), wadashaqeynta bankiyada labada dal, Isku xirka rugaha ganacsi ee labadda dal, xoojinta wadashaqeynta ka dhexeysa wasaaraddaha maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Jamhuuriyadda Serbia.
Arbacadii ayay aheyd markii uu Xarunta Safaaradda JFS ee Belgrade soo booqday Wasiirka Horumarinta Serbia mudane Edin Đjerlek, halkaas oo uu kulan miro dhal ah kula qaatay Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, kaas oo gogol xaar u ahaa kulanka maanta dhexmaray Mudane Dr. Siniš Mali.
Related