MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Mukhtaar Maxamed Waare.
Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Waare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab.
Mukhtaar Maxamed Waare oo ah safiirka cusub ee Itoobiya ayaa waxaa maalmo ka hor warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Itoobiya ayaa ka mid ah waddada xiriirka wanaagsan la leh dowladda federaalka, waxayna ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATMIS.
Related