MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan gaar ah la yeeshay sii-hayaha Safaaradda Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mudane Ed Barnett.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray xiriirka qotada-dheer ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan wada-shaqeynta baarlamaanka iyo dowladda Ingiriiska.
Sidoo kale ku-simaha Safiirka ayaa ku amaanay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS guushii uu ka soo hooyay shirkii dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo ku soo dhammaaday xasilooni siyaasadeed iyo isfahan bulsho, kadib markii xal waara looga gaaray khilaafkii ka taagnaa maamulkaasi
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay shuruucda muhiimka ah ee xubnaha Golaha Shacabka ansixiyeen todobaadyadii la soo dhaafay, kuwaas oo loo sii gudbiyay madaxweynaha oo ugu dambeyntii saxiixay, laguna soo saaray faafin rasmi ah
Labada dhinac aya sidoo kale isla soo hadal qaaday shuruucda haatan hortaalla baarlamaanka, si loo dhammeystiro adeegyada muhiimka ah ee dowladda.
Kulankan ayaa qayb ka noqonayo shirarka uu haatan xubnaha beesha caalamka la qaadanayo, Sheekh Aadan Madoobe, waxaana ugu dambeeyay wadahadalkii uu la yeeshay safiirka Qatar ee Soomaaliya Amb. Abdalla bin Salim Alnuimi.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa safiirka kala hadlay xiriirka iyo wada-shaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Qatar iyo sidii ay xukuumadda Dooxa kaalin uga qaadan laheyd tayaynta Golaha Shacabka BJFS.
Waxaa sidoo kale guddoomiyaha uu horay ula kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho, ayaga oo ka wadahadlay dib u heshiisiintii lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo iyo arimo xiriira howlaha hortabinta u leh dowladda federaalka.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab ayada oo dhanka kale ay xusid mudam tahay in maalin ka hor xildhibaanada Golaha Shacabka ay meel mariyeen hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada, kaas oo muddo 10 sano ah horyaallay xubnaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.