Khilaaf xooggan ayaa ka aloosan dhisida golaha degaanka degmada Boosaaso, kadib markii ay laba garab u kala baxeen xubnihii golaha degaanka ee ku soo baxay qof iyo cod.
Afar Xisbi ayaa ku heshiiyay in ay wada dhistaan golaha degaanka Boosaaso, si meesha looga saaro Xisbiga haysta kuraasta ugu badan ee Mideeye, taasi oo abuurtay khilaafka taagan.
Xubnaha golaha degaanka Boosaaso oo ka kooban 33 xubnood, kana soo baxay 6 xisbi ayaa noqday laba garab oo mid taageersan yahay heshiiskii afarta xisbi, halka garabka kale uu raacsan yahay Mideeye.
Garabta taageersan heshiiskii xisbiyada oo ay gadaal ka riixayso xukuumadda madaxweyne Deni ayaa maanta guddoomiyaha degmada Boosaaso u dhaariyay Cabdifitaax Shanle oo ka tirsan xisbiga SINCAD, halka guddoomiye ku xigeeen ay u dhaariyeen Bashiir Siciid oo ka tirsan Mustaqbal.
Garabka xisbiga Mideeye ayaa dhankooda guddoomiyaha degmada Boosaaso u doortay Cabdiraxmaan Jinac oo ka tirsan xisbiga Mideeye, halka mu xigeen ay u doorteen Cumad Mursal oo ka socda xisbiga Mustaqbal.
Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxaa ayaa gebi ahaanba ka horyimid tallaabooyinka is bar bar socda ee ay ku kaceen labada garab ee golaha degaanka Boosaaso oo uu ku tilmaamay kuwa aan waafaqsanayn habraaca dhisidda golaha degaanka.
Waxaase hadalka wasiir Juxaa ka horyimid wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha Puntland Maxamed Axmed Kulan waxaana uu taageeray garabkii xukuumaddu riixaysay ee dhaariyay Cabdifitaax Shanle iyo Bashiir Siciid.
Waxaa muuqata in si ba’an loo kala qaybiyey xildhibaanadii golaha degaanka Boosaaso, oo la dhawaacay dedaalkii bulshadu ku bixisey in la helo gole deegaan oo hufan oo shaqeyn kara, waxaana hadda khilaafku saameeyay mas’uuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.
PUNTLAND POST