Pakistan ayaa ku dhawaaqday in la diiwaan galiyay saddexdii kiis ee ugu horreeyay gudaha dalkaasi ee fayruska Mpox, oo loo yaqaanno furuqa daanyeerka.
Fayruska Mpox, oo kiisaskii u horreeyay laga helay bartamaha iyo galbeedka Afrika taa oo ku dhalisay ururka Midowga Afrika iyo Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO inay u aqoonsadaan xaalad deg deg ah oo caafimaad oo caalami ah.
Cudurkan ayaa hadda u muuqda inuu isaga talaabayo qaaradaha, shalay dalka Sweden ayaa laga diiwaangeliyay kiiskii u horreyay , iyadoo fayruskan lagu kala qaado taabashada qofka qaba xanuunka.
Waxaa sidoo kale la isugu gudbin karaa neefta. Calaamadihiisana waxaa ka mid ah nabro yaryar oo jirka kasoo baxa, dildillaac afka iyo xubinta taranka ah.
PUNTLAND POST